Ma guddi madax banaan mase mooriyaantii faroole (maqaal is-dul taag ah).

Dhawaan waxaa baraha Internet-ka ee Maamulka Puntland iyo Kooxda Ictisaamka lasoo dhigay wax lagu sheegay inay tahay Warsaxaafadeed ay soo saareen guddi lagu sheegay inuu madax bananyahay  oo ku hawlanaa inay ka gun-garaan dilkii loo gaystay Sheekh Axmed  Xaaji Cabdiraxmaan oo dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay  falkaasi oo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Kadib markii  aan aqriyay qoraalka uu gudigaasi soo saaray ayaa waxaa iiga muuqday dhow arrin oo aan jeclaan lahaa in aan dadka Soomaaliyeed la wadaago kuwaasi oo aan isleeyahay  ogaantoodu waxay muhiim u tahay in Xaqiiqda la raadinayo  ( Hadiiba ay run tahay in Xaqiiqo la raadinayo)   si wanaagsan oo lagu wada qanci karo looga wada dhergo.

Marka Kowaad , Guddiga la sheegay inuu Madax banaanyahay horta yuu ka madax banaanyahay? Yaa dhisay oo Shaqada u Xilsaaray? Yaa ka tirsan oo Madax u ah ama Xubin ka ah? Yuu wada Shaqayn laleeyahay oo gacan  siinaya si Xaqiiqada uu raadinayo uu u gaaro? Ma Soomaali baa mase Shisheeye? Ma Muslimiin Mase Gaalo? Al-Shabaab maku jiraa? Ictisaam maku jiraa?  Amisom iyo Itoobiya ma ku jiraan ? CIA & MI6 wax raad ma ku  leeyihiin? Ma Guddi dhex-dhexaad ah baa mase Dadka iyo Ururada uu hardanku ka dhexeeyo buu qayb ka yahay?  IWM.

Su’aalahaas waxaan u keenay waxaa weeye si  hadaa nahay Bulshada Soomaaliyeed aan go’aan uga gaarno inaan ku qanci karno Go’aanka ama Warsaxaafadeedka ay soo saareen, Balse haddii dadka lasheegayo ay yihiin dad aananba la aqoonin ama Siyaasad ahaan dhinac ah oo doonaya inay dhinaca kale dhulka la gooyaan  markaas waxay noqonaysaa inaan dhahno…MAYA…Timirtii horeba dab loo waaye naga daaya Marin habaabinta iyo Been Abuurka aad dadka idinka soo horjeeda ka samaynaysaan ama ugu yaraan idinku isku sheega oo anaga dambigiina qayb hanaga soo gaarsiinina.

Marka Labaad, Waxaa Warsaxaafadeedka ay soo saaren Gudiga aanan la aqoonin ku xusan in Rag iyo Dumar ay qaar ka mid ah Sawiradooda soo bandhigeen ay yihiin kuwii ka dambeeyay ama fududeeyay Dilkii Sheekha, Su’aashu waxay tahay Dadka ma idinkaa inta daba galay soo qabtay oo waxaad leedihiin Ciidamo Sirdoon ah iyo kuwo Dambi baaris ah? Mise Maamulka Puntland iyo Ciidamadooda Ashahaado la dirirka ah “ PIS” ayaa inta xaafadaha kasoo xaabiyay kadibna idinka idiin keenay si aad magacyada uga qorataan, qiraalna uga qaadataan maadaama garaacis iyo handadaad ay ugu soo gaysteen Ciidamada Puntland?.

Marka Saddexaad, Maamulka Faroole wuxuu caan ku yahay in uu been ka sheego dadka uu Xabsiyada ka buuxsaday, siduu doonana uu u adeegsado si uu ugu xag-xagto dadka ay is hayaan,  sida ka dhacday Magaalada Gaalkacyo bartamaha sanadkii tegay  markii ay soo bandhigeen Nin Dhalinyaro ah oo ay usoo gudbiyeen Suufiyada ku sugan Guriceel, kaas oo ay garaaceen kadibna si xoog ah uga sheegsiiyeen inuu yahay Sarkaal Al-Shabaab ah Gaar ahaan qaybta  Amniyaat-ka, uuna sheegay Rag  uu ku tilmaamay  in ay yihiin Saraakiil Al-Shabaab ah in ay hurinayanaan dagaalkii markaas dhexeeyay Maleeshiyada Faroole iyo Mid ka mid  Beelaha halkaas ku dhaqan, balse isla markiiba ay soo baxday Cajalad kale oo uu kasoo muuqday ninkii oo markii uu Xoriyadiisa dib u helay sheegaya in waxa uu sheegay Si Xoog ah looga sheegsiiyay si uu naftiisa u badbaadsado, arintaas oo fadeexad ku noqotay Maamulka Puntland,  Marka Maamul  Noocaas ah sidee ku dhici kartaa inaad idinku dadka uu idiin keeno hadalkooda wax ku dhisataan, anaguna aan idinku aaminno?.

Marka Afaraad, Maalinkii la dilay Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, iyada oo aan weli qabriga la gelinin ayuu Maamulka Puntland sheegay in dadka ka dambeeyay ay yihiin Al-Shabaab, waxaana isla goobtaas ku rumeeyay  oo Sadaqtum ku yiri Kooxda Ictisaamka iyaga oo aanan haba yaraatee wax baaris ah ama dabagal ah ku samaynin, Markaas waxaa dadka intooda badan ee Xaqiiqa doonka ah ay isweydiiyeen, Oo waa yaabe yaa u sheegay, mise markii qorshaha dilka ah la diyaarinayay ayay ogaayeen ? Marka inaad Wax ku dhowr sanad kadib aad tiraahdaan Cadayntii ayaan haynaa sow ma aha oo kaliya hadalkii hore ayaan xoojinaynaaye wax cusub ma soo kordhinayno?  Maxay tahay macnaha ku jira in aad maanta tiraahdaan dadkii dilka gaystay ayaan soo bandhigaynaa kadibna aad soo bandhigtaan dhalinyaro  uu Faroole guryahooda ka soo xaabsaday? Mise idinkaa la ogaa oo durbadiiba gacanta kusoo dhigay?.

Ugu dambayntii waxay ila tahay dadka aad eedeeynta usoo jeediseen oo ah Al-Shabaab  inaysan waxqti badan idiin haynin oo ay idiinkugu jawaabaan oo waxa culays ah oo cadaw idinka daran uu ku hayo ayaa ka weyn waxa aad ku haysataan oo ay hore uga jawaabeen sida aan xogta ku hayo iskagana fogeeyeen, Balse waxa aan doonaynaa waxaa ay tahay hadi aa nahay Bulshada Soomaaliyeed  ee Xaqiiqda dunida ku raadinaysa inta aanan aakhiro la gaarin in aad wax lagu qanci kartaan keentaan.

Fadlan kasoo jawaaba Su’aalahaas  aan idiin soo gudbiyay si aan idiin rumaysano.

Cumar  Xabiib.

Muqdisho – Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *